Wararka ka imaanaya magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay qarax khasaare dhaliyay ka fuliyeen gudaha magaaladaas.
Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday askar katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed oo ku sugnaa gudaha magaalada beydhabo, waxaana laga helayaa xogo dheeraad ah.
Inta la xaqiijiyay 5 askari ayaa lagu dhaawacay weerarkaan, kuwaas oo 3 kamid ah laga deryinayo xaaladooda caafimaad, maadaama ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.
Shiingiyo Maxamee Werdi ayaa lagu magacaabaa mid kamid ah askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed looga dhaawacay qaraxa.