Sunday, July 6, 2025
HomeAll NewsDad Cabasho ka Muujiyay Wadooyinka Qaar ee Muqdisho oo Biyo Wasakh ah...

Dad Cabasho ka Muujiyay Wadooyinka Qaar ee Muqdisho oo Biyo Wasakh ah Lala Mari La’yahay.

Nadaafad darro aad ubaahan ayaa ka jirta wadada daalo ee jidka 30-ka oo marta degmada Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Wadadan ayaa waxaa fadhiya biyo aad ubadan oo ka dhashay roobabki ka da’ay Xamar, waxayna ku dhawdahay iney cudurro ka dilaacaan sida ay sheegeen dadka isticmaala ama hareeraheeda ku leh goobaha ganacsiga.

xarumo ganacsi oo ku yaal dhinacyada wadadan ayaa uxirmay sababo la xiriirta biyahan oo horfadhiya, maamulka degmada Hawlwadaag ee hoostaga kan gobolka Banaadir ayeyna sheegeen inuu cabashadooda waxba ka qaban waayay.

Guryaha qaar ayey biyaha sabab unoqdeen iney dumaan, waana kuwan qaar kamid ah dadka ka cabanaya dhibaatada ay ku qabaan wadadan oo la hadlay warbaahinta.

Halkaan ka Degso Warka Wadada Daalo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.