Sunday, July 6, 2025
HomeAll NewsCali Cabdullaahi Cosoble oo ka Qeylo-dhaamiyay Awoodda Al-Shabaab iyo Fashika Ciidankooda.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka Qeylo-dhaamiyay Awoodda Al-Shabaab iyo Fashika Ciidankooda.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah Madaxweynihii hore ee maamulka la baxay Hirshabeelle ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in ay sii kordheyso awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab islamarkaana isku fidisey dhul-ballaaran oo katirsan Sh-dhexe.

Mar wax laga weydiiyay sababta ka dambeysa jabka is daba joogga ah iyo firxadka ay sameysanayaan ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu tilmaamay, in taasi ay ugu wacan tahay Dowladda Fedaraalka oo aan heysan ciidan awood leh oo ka hortagi kara Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Arrinta ugu walwalka badan ee heysata ayuu sheegay iney tahay in aan la ogeyn xilliga ay weerarada geysanayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taasna ay qeyb ka tahay waxyaabaha keenaya in ciidanku ay had iyo jeer ka firxadaan furimaha dagaalka.

Halkaan ka Degso Warka Cosoble

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.