Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsQarax iyo Weerar ka Dhacay Goballada Baay iyo Gedo.

Qarax iyo Weerar ka Dhacay Goballada Baay iyo Gedo.

Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weeraro ka fuliyeen, qeybo kamid ah goballada Baay iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Haddaan ku horeyno gobalka Baay, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xerada ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin deegaanka Goof-gaduud Buurey ee duleedka magaalada Beydhabo.

Gobolka Gedona waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay xalay qarax ka fuliyeen magaalada Balad-Xaawo, iyagoo la beegsaday bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen askar katirsan kuwa Dowladda Fedaraalka, waxaana jira khasaare kasoo gaaray weerarkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.