Sunday, July 6, 2025
HomeAll NewsCaqabadaha Heysta Duullaanka AUSSOM oo Keenay in Mudo Kordhin loo Sameeyo Ciidanka...

Caqabadaha Heysta Duullaanka AUSSOM oo Keenay in Mudo Kordhin loo Sameeyo Ciidanka Burundi.

Wali waxaa isa soo taraya jaahawareerka iyo caqabadaha xooggan ee uu wajahayo duullaanka ciidamada Shisheeye ay ku joogaan dalka magacoodana loosoo gaabiyo AUSSOM, kuwaas oo sababay iney qaadaan tallaabooyin horleh.

Iyadoo uu kol sii horreysay qorshuhu ahaa in askariga ugu dambeeya ee ciidamada Burundi laga saaro Soomaalaiya 30-kii bishii June ee lasoo dhaafay, ayaa waxaa taas badalkeeda uu Midowga Afrika muddo kordhin u sameeyay askarta Burundi ee qeybta ka ah duullaanka Shisheeye ee AUSSOM, waxaana uu midowgu muddo kordhin socon doonta illaa lix bilood uu u sameeyay ciidamadaas.

Kulan ay yeesheen golaha la baxay nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ayaa lagu saxiixay muddo kordhintaan loo sameebayay ciidamada Shisheeye ee Burundi, waxayna imaaneysaa kadib markii la waayay dhaqaale lagu keeno ciidamo cusub oo qeyb ka noqda duullaanka AUSSOM ee ay Shisheeyuhu ka wadaan Soomaaliya.

Dib udhac ku yimid dalalkii ay ka imaan lahaayeen ciidamada qeybta ka noqonaya duullaanka AUSSOM ayuu sidoo kale Midowga Afrika u aaneeyay, in mudada loogu kordhiyo ciidamada Burundi, waxaana arrinta ugu weyn ee keentay tallaabadaan ay tahay iyadoo dowladaha reer-galbeedka ee maalgalin jiray duullaanka Shisheeyaha ay si cad u sheegeen ineysan sii wadi karin maalgalintooda, xilli Mareykanku uu horay u sheegay inuusan wax dhaqaale ah ku bixineynin duullaanka aan dhamaadka laheyn ee ay Shisheeyuhu ka wadaan dalka.

Tani ayaa waxa ay ka dhigan tahay fashil horleh oo dul hoganaya duullaanka magaca cusub loo bixiyay AUSSOM, kaas oo mudooyinkii lasoo dhaafay wajahayay caqabado iyo culeysyo dhaqaale, xilli dowladaha Afrikaanta ah ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay horay u dalbadeen, in laga bixiyo ku dhawaad 100 milyan doollar oo dayn ah oo lagu lahaa duullaankii fashilmay ATMIS, balse illaa iyo hadda majirto wax jawaab ah oo laga bixiyay dalabkaas..

Dhawaan ayay aheyd markii ay Dowladda Fedaraalka walaac xooggan ka muujisay caqabahadaha iyo culeysyada dhaqaale ee uu wajahayo duullaanka fadhiidka noqday ee AUSSOM, haddii uu xaalku sidaan kusii socda ayaana waxa ay ka dhigan tahay, in marba marka ka dambeysa uu fashilku kusii xoogeysanayo duullaanka Shisheeye ee Soomaaliya, kaas oo ay dadka qaar ku sifeeyeen inuu burbur qarka usaaran yahay.

Halkaan ka Degso Warbixinta Shisheeyaha

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.