Tuesday, July 8, 2025
HomeAll NewsDowladda Giriiga oo Sheegtay inay Gacanta ku Dhigtay Boqolaal Tahriibayaal ah.

Dowladda Giriiga oo Sheegtay inay Gacanta ku Dhigtay Boqolaal Tahriibayaal ah.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Giriigga ayaa sheegay, inay gacanta ku dhigaan in ka badan 750 tahriibayaal ah oo si qarsoodi ah uga soo gudbayay badda Midhatareeniyanka, iyaga oo damacsanaa inay gudaha u galaan dalka Giriigga. Hawlgalladan oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay ayaa laga fuliyay agagaarka jaziiradda Gafdos ee koonfurta dalkaasi, taas oo qayb ka ah dadaalada xooggan ee ay dawladda qaaradda Yurub sheegeen inay kaga hor tagayaan dadka tahriibayaasha ah ee ku qulqulaya qaarada Yurub.

Howlgalka ugu weyn ayaa ka dhacay meel 25 mayl koonfur-bari kaga beegan jaziirada Gafdos, halkaas oo lagu qabtay 430 qof oo saarnaa dooni kalluumaysi oo aad u yar.

Ciidamada ilaalada xeebaha oo kaashanayay markab xamuul oo wata calanka Banama ayaa tilmaamay in dadkan soo galootiga ah ay meel dhexe lasoo qaadeen, ugu dambayna loo gudbiyay dekedda Agiya Galini ee gobolka Kareet ee dalka Giriiga.

Sidoo kale, 67 tahriibayaal ah ayaa lagu qabtay meel 30 mayl koonfurt kaga beegan jaziirada Gafdos, kaddib markii ay kusoo bexeen markab ganacsi oo wata calanka dalka Marshall, kuwaas oo lageeyay dekedda Bala’ijoora ee dalka Giriiga.

Hawlgallo kale oo ay fuliyeen maraakiibta ilaalada xeebaha ayaa lagu qabtay ku dhawaad labaatan qof oo u dhowaa isla jasiiradda Gafdos, kuwaas oo iyaguna la tuhunsanaa in ay si qarsoodi ah kusoo galayeen dalka Giriigga.

Dhanka kale, in ka badan 70 tahriibayaal ah ayaa lagu qabtay meel 32 mayl koonfurta kaga beegan magaalada Limeni ee dalka Giriigaa, iyaga oo la socday markab laga leeeyahy dalka Burtiqiiska. Dhammaan dadkii lasoo qabtay ayaana loo gudbiyay xarumo lagu xiro dadka Soo galootiga ah oo ku yaalla dalkaas.

Hawlgaladan ayaa muujinaya dadaalada ay dowladaha qaaradda Yurub ugu jiraan kahortagga qulqulka tahriibayaasha, sida sharci darrada ah ugasoo gudbaya marinka badda ee u dhexeeya qaaradaha Afrika iyo Yurub.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.