Tuesday, July 8, 2025
HomeAll NewsKooxo Hubaysan oo Weerar ku Qaaday Markab Xamuul ah oo Marayay Badda...

Kooxo Hubaysan oo Weerar ku Qaaday Markab Xamuul ah oo Marayay Badda Cas.

Markab nooca xamuulka qaada ah ayaa lagu weeraray xeebaha dalka Yaman, taasoo keentay in biyaha ay ku qulqulaan gudaha markabka, cabsina laga qabo inuu gabi ahaantiisaba quuso.

Hay’adda hawlaha ganacsiga badda ee Ingiriiska ee loo soo gaabiyo (UKMTO) ayaa shaaca ka qaaday, in markabka xamuulka ah ay weerareen sideed doomood oo yar yar oo marayey badda cas, kuwaas oo markab oodda uga qaaday rasaas iyo sawaariikh, waxayna sharaxday hay’addan Biritishka ah, in koox hubaysan oo saarnaa markab ay iyagana rasaas ku jawaabeen.

Wakaaladda wararka ee Roytaris oo soo xiganaysa ilo-wareedyo dhanka badda ah ayaa sheegtay, in markabkan oo lagu magacaabo Maajik Siis uu ka babanayay calanka Laybeeriya, balse laga leeyahay dalka Giriiga.

Weerarkan oo ka dhacay meel 51 mayl koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Xudeydah ee dalka Yaman ayaa sababay, in biyaha ay gudaha u galeen markabka, taasoo keentay inuu dab ka kaco qaybaha sare ee markabkaas, iyadoo dhamaan shaqaalihii saarnaa markabka ay bad qabaan kadib markii uu badbaadiyay markab ganacsi oo halkaasi marayay. sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka badda ah oo kasoo jeeda waddanka Ingiriiska.

Illaa iyo hadda kooxda Xuutiyiin maysan sheeganin mas’uuliyadda weerarkan, balse dhacdadaan ayaa noqonayso tii ugu horeysay ee dhinaca badda ah tan iyo markii kooxda Xuuthiyiinta ee gacansaarka dhaw la leh dowladda Shiicada ee Iiraan, ay ballan qaadeen inay joojinayaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta Mareykanka, kadib heshiis ay kala saxiixdeen iyaga iyo dowladda Mareykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.