Tuesday, July 8, 2025
HomeAll NewsMaxaan Ka Ognahay Sawaariikhda Nuclear-ka Shiinaha.

Maxaan Ka Ognahay Sawaariikhda Nuclear-ka Shiinaha.[WARBIXIN]

Shiinaha oo caan ku ah qarinta barnaamijkiisa hubka Nukliyeerka ee sirta ah, ayaa markii ugu horraysay shaaciyey faahfaahin muhiim ah oo ku saabsan qaar ka mid ah gantaalaha Nukliyeerka ee uu leeyahay. Telefishinka rasmiga ah ee dowladda Shiinaha ayaa baahiyey warbixinno muujinaya awoodda gantaalada “Dong-feng” oo ay ka mid yihiin DF-41 iyo DF-5, kuwaas oo ah gantaallo riddo dheer oo xambaari kara madaxyo Nukliyeer ah oo awoodoodu gaarayso 200 jibaar qaraxyadii lagu weeraray Hiroshima, isla markaana si sax ah u beegsan kara meel kasta oo ku taalla Mareykanka ama Yurub, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Gantaaladaas ayaa ah tiir-dhexaadka istiraatiijiyadda Shiinaha ee ka-hortagga weerarrada Nukliyeerka, xilli tartanka hubkaas uu cirka isku sii shareerayo. Mareykanka ayaana si isa soo taraysa uga walaacsan horumarka Shiinaha ee dhanka teknoolajiyada, oo noqday dalka ugu dhaqsaha badan dunida ee ballaarinaya awooddiisa Nukliyeerka tan iyo dagaalkii qaboobaa.

Halkaan ka Degso Warbixinta oo Dhameestiran.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.