Magaalada Moqokori oo ah magaalo istaraatiiji ah kana tirsan gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa maanta si buuxda ula wareegay ciidamada Xarakada Mujahaidiinta Al-Shabaab, kaddib weerar culus oo ku billawday camaliyad nafhurnimo ah oo lagu ekeeyay saldhigyadii ay ku sugnaayeen askarta Dowladda Fedaraalka ee ku yiilay duleedka magaalada iyo gudaheeda.
Weerarkan oo si qorsheysan loo fuliyay, ayaana sababay jab xooggan oo gaarey ciidamada dowladda federaalka iyo maleeshiyaadkii la socday ee ku sugnaa magaalada.
Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa ciidamada Dowladda Fedaraalkalagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona guud ahaan ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegeen gacan ku heynta magaalada.