Wararka ka imaanaya magaalada Diinsoor ee gobalka Baay ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar qarax ah ka fuliyeen gudaha magaaladaas.
Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday guri uu magaalada Diinsoor ka dagan yahay taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ee Diinsoor.
Gaari Cabdi-Bile ah oo uu ku rakibnaa qori Dashiike ah islamarkaana uu lahaa sarkaalka la beegsaday ayaa lagu gubay, weerarka qaraxa ah ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Diinsoor ee gobalka Baay.