Aaska wiilkii dhalin-yarrada ahaa ee ay dileen Booliiska Kenya oo ka dhacay tuulada uu ku dhashay oo lagu magacaabo Kakooth ayaa markale dib usoo nooleeyay carada shacabka Kenyanka ah, kadib markii ay arkeen jirdilka ay wiilkaas u geysteen Booliiska ee dalkaas.
Wiilkan dhallin-yarada ah oo lagu magacaabi jiray Albeet Ojwaang ayaa waxaa markii hore aaskiisa xaadiray koox yar oo dad ah, balse markii ay qorraxda soo baxday, Kumanaan qof ayaa ku soo qul qulayay tuulada wiilkaas lagu aasayay, kuwaas watay sawirrada wiilkan dhalinyarada ah, halka qaar kalana ay wateen fanaanado ay ku qoran yihiin hadallo ay ku cabirayaan shucuurkooda.
Mid kamida dhillin-yarada Kenya oo ka soo safray magaalada Neyroobi ee caasimadda dalkaas si uu uga qayb galo aaska wiilkaas, ayaa sheegay in geerida Ojwaang ay tahay baaq loo jeedinayo dhalinyarada Kenya si ay uga dhiidhiyaan ficillada wiilkaas lagu dilay.
Meydka wiilkaan Keenyaanka ah ayaa yaalay qolka maydadka ee magaalada Nayroobi, oo in ka badan 140 mayl u jirta guriga qoyskiis. Baaritaan dambe oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday, in wiilkaas uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray jirdilka ay u geysteen booliska Keenya.
Geerida wiilkan ayaa keentay Mudaaharaadyo looga soo horjeedo maamulka dalkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen boqolaal ruux.