Waa muuqaal la daawan karo qadar ku dhawaad 6 daqiiqo ah, kaas oo ay Al-Kataa’ib Al-Ikhbaariyah kusoo bandhigeyso, weerarkii cagmarinta ahaa ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, saldhigii ciidamada dowladda Fadaraalka ee deegaanka Burjeed ee dhaca afaafka hore ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Qaybaha hore ee muqaalka Al-Kataa’ib Al-Ikhbaariyah ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamada Xarakada Mujaahdiinta Al-Shabaab oo ku taqadumaya fariisinka ciidamada dowladda Fadaraalka ee deegaankaas, iyadoo waqtigana uu yahay xilli mugdi ah oo uusan waaga si fiican u dillaacin.