Tuesday, July 8, 2025
HomeAll NewsHawlgal Lagu Dilay Saraakiil katirsan Kenya oo ka Dhacay Gobolka Wajeer ee...

Hawlgal Lagu Dilay Saraakiil katirsan Kenya oo ka Dhacay Gobolka Wajeer ee Dhulka NFD.

Hawlgal oo ahaa mid qorsheysan ayey ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degaanka Qarso ee hoostaga degmada Qorof Xaraar ee gobalka Wajeer, ayaa lagu dilay saraakiil katirsan dowladda Kenya.

Cadow Cali Buureey oo ahaa Gudoomiyihii dowladda Kenya ugu magacawnaa degaanka Qarso ayaa kamid ah dadkii lagu dilay hawlgalkan, waxeyna Mujaahidiintu ka furteen qori AK47 ah.

Sido kale isla hawlgalkaasi waxaa lagu dilay, sarkaal lagu magacaabijiray Nuur Gaabis Cali kaasi oo si gaar ah ula shaqeyn jiray ciidanka Afduubka ee dowlada Kenya.

Saraakiishan ayaa la sheegay iney muddo dabal ku hayeen Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, maadaama ay dhibaato xooggan ku hayeen bulshada Muslimiinta ah ee ku dhaqan degaankaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.