Dibad baxyaal careysan ayaa iskugu soo baxay xaafada 150 ee kamid ah xaafadaha magaalada Hargeysa, kaas oo ay kaga soo horjeedeen dil ay ciidamada maamulka la baxay Somaliland ugeysteen labo ruux oo shacab ah.
Dilka labadaan ruux ayaa yimid, kadib markii ay dad badan oo ku dhaqan deegaanka Agabar ee magaalada Gabiley ay kasoo horjeesteen, mashuuc ay shirkad Shisheeye ku qodaneyso macdanta degankaas.
Ciidamada maamulka la baxay Soomaaliland ayaa si bareer ah rasaas ugu furay dadka mudaaharadaya, iyadoona ay halkaasi ku dhinteen labada ruux, tasoo sababtay in ay dadka deegaank isugu soo baxaan mudaaharaad kale oo balaaran oo looga soo horjeedo dilka labadaan ruux.