Magaalada caasimada ah ee Nairobi iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Keenya ayaa shalay martigeliyay mudaharaadyo xooggan oo ay dadku iskugu soo baxeen, hase ahaatee dibad-baxyadan ayaa mar kale si kadis ah isugu badalay rabshado xooggan oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tobanaan qof oo Keenyaan ah.
Inta la xaqiijiyay waxaa rabshadahan ku nafwaayay illaa 10 qof, halka in kabadan 30 kale ay soo gaareen dhaacwayo halis ah, Laamaha Booliiska ee dalka Keenya ayaana kahor tag ku sameeyay dibad-baxyada, iyaga oo adeegsanayay rasaas nool-nool, taas oo sii kordhisay khasaaraha nafeed ee soo gaaray dadka mudaharaadayay.
Goobaha qaar, waxaa lagu arkayay dad hubeysan oo wajiyadu u duuba yihiin, kuwaas oo qayb ka ahaa dadka dibad-baxa samaynayay, iyada oo la rumaysan yahay inay si hoose ula shaqaynayaan ciidamada Booliiska. Mudaraadyadan oo horaan ka bilowday magaalada Nayroobi ayaana ugu dambayn ku fiday magaalooyinka waa wayn ee dalka.
Dadka mudaharaadayay ayaa ku qaylinayay erayo caro leh, iyaga oo quus ka muujiyay xaaladda dhaqaale ee ka jirta dalka, musuqmaasuqa hareeyay hay’adaha dawladda iyo isticmaalka awooda xad-dhaaf ah oo ay ciidamada ammaanku u adeegsanayaan dadka shacabka ah. Inta badan waddooyinka gala caasimadda ayaa la xiray, waxaana gebi ahaanba hakad galay isu socodka ganacsigii magaalada.
Ganacsatada magaalada Nayroobi gaar ahaan dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Xaafada Islii ayaa cabsi xooggan ka muujiyay dibad-baxyada sii kordhaya, dadka dhigaya iskusoo baxa ayaana laga cabsi qabaa inay gaystaan dhac iyo bililiqo baahsan, taas oo si gaara loogu beegsanayo ganacsiga Soomaalida ee xaafada Islii.
Isuduwaha gudiga ganacsatada xaafada Islii, Cumar Axmed oo warbaahinta la hadlaya ayaa muujiyay cabsida ay ka qabaan mudaharaadayaasha, isaga oo ugu baaqay dadka Soomaalida ah ee ku sugan xaafada inay feejignaan buuxda muujiyaan, kana taxadaraan xaaladaha is badbadalaya ee magaalada Nayroobi.
Dibad-baxyadan Cusub ayaa mar kale imaanaya iyada oo dabayaaqadii Bishii ina Dhaaftay ee Juun uu dhacay iskusoo bax Xooggan, kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen in kabadan 400 oo qof oo Keenyaan ah.