Tuesday, July 8, 2025
HomeAll NewsKu Dhawaad 20 Askari oo Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku...

Ku Dhawaad 20 Askari oo Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar ka Dhacay Qazza.

Muqaawamada Falastiin ee dhiig-bixinta adag ku hayo ciidamada gumaystaha Yahuudda ee duulaanka kasoo galay Marinka Qazza ayaa howlgal ballaaran oo najaxay ka fuliyay magaalada Bayt Xanuun ee waqooyiga marinka Qazza, kaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay katiibo ka tirsan ciidamada Yahuudda oo ku hawlanaa qarxinta iyo burburin guryaha Falastiiniyiinta ee ku yaalla Marinka Qazza.

Kamiin oo dhacday maqribnimadii shalay ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyay Warbaahinta gumaystaha Yahuudda, kuwaas oo qirtay, in weerarkan kamiinka ah ee ay fuliyeen dagaal yahannada muqaawamada Falastiin uu ahaa mid si weyn loo qorsheeyay, kuwaas oo ahaa qaraxyo markii koowaad lala beegsaday gaari Taangi ah, markii labaadna lala eegtay ciidamo gurmad ah, halka midka saddexaadna lala beegsaday ciidamo dheeraad ah oo iyagan gurmad ahaa, iyo sidoo kale walxaha qarxa iyo hubka fudud oo lagu halgaaday dhammaan dadkii ku dhaawacmay bilowgii weerarka, taas oo keentay inuu tiih iyo jahawareer ku dhaco ciimadii Yahuudda ee la weeraray, kuwaas oo ka tirsana Guutada Netzax, ee ka kooban Yuhuud xagjirka ah, sida ay sheegeen warbaahinta Sahaayinada.

Ciidamada gumaystaha Yahuudda ayaa bayaan ay soo saareen subaxnimadii hore maanta oo Talaadada ah ku qirtay, in Shan askari oo Yahuud ah looga dilay weerarkaas dhaba galka ah, halka ugu yaraan Afar iyo Toban kalena looga dhaawacay oo qaarkood garaab ah, iyadoo ay macquul tahay inuu khasaaraha intaas ka badan yahay.

Dagaalyahannada wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday ciidamada samatabixinta Yahuudda oo ku soo yaacay goobta, halka dadka deggan magaalada Casqalaan ee gumaysiga Yahuudda ku jirta, ay maqleen dhawaqa qaraxyo weyn oo goobta ka dhacay, sida laga soo xigtay mareegaha Yahuudda, kuwaas oo sheegay in mid ka mid ah dadka dhaawacmay uu yahay sarkaal sare.

Warbaahinta Yahuudda ayaa markii hore ku warantay, in dhacdada kadib la waayay qaar kamida askarta Yahuudda ee kamiinka ku dhacay, balse markii dambe ayaa waxa ay xaqiijiyeen, in meydadkooda la helay iyagoo gabi ahaanba uu jasadkooda gubtay. Warbaahinta cibriga ah ee Yahuudda ayaa tilmaamay, in tani ay ka mid tahay dhacdooyinkii ugu adkaa ee ay askarta Yahuudda la kulmaan tan iyo markii uu dagaalka bilowday.

Ra’iisul Wasaare Yahuudda Benyamiin Netanyaahu ayaa lagu wargeliyay dhacdadan isagoo booqosho ku jooga dalka Mareykanka gaar ahaan Aqalka Cad ee looga arimayo dalkaas, halka madaxwaynaha maamulka Yahuudda ninka lagu magacaabo Isxaaq Hiritisuugh oo ka fal-celiyay halaagii ciidamadooda ku qabsaday magaalada Bayt Xanuun ee marinka Qazza, uu ku tilmaamay “war xanuun badan,” sida uu sheegay wargeyska Cibraaniga ah ee Yadiicood Axroonoot.

Dhowr goobood oo ay ku degaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee wada dhaaeaca askarta Yahuudda ayaa loo qoondeeyay isbitaallo kala duwan oo kamida dhulka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin.

Hawlgallada iska caabinta ee Marinka Qazza ayaa si weyn u kordhay toddobaadyadii la soo dhaafay, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca tobaneeyo askar iyo saraakiil Yahuud ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.