Wednesday, July 9, 2025
HomeAll NewsAl-Shabaab oo Weeraro ku Qaaday Askarta Maamullada Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed.

Al-Shabaab oo Weeraro ku Qaaday Askarta Maamullada Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weeraro ka fuliyeen duleedyada magaalooyinka Kismaayo iyo Beydhabo oo ka kala tirsan goballada Baay iyo Jubada-hoose.

Haddaan ku horeyno gobalka Jubada-hoose, waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku ku qaadeen, isbaaro askarta maamulka la baxay Jubbaland ku leeyihiin deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Ciidamada la weeraray ayaa waxa ay ku sugnaayeen isbaaro ay ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana weerarkaas lagu dhaawacay 2 askari oo katirsan maamulkaas.

Geesta kale waxa ay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weeraro ku ekeeyeen, xeryo ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin duleedka magaalada Beydhabo.

Fariisimayaasha lagu weeraray ciidamada maamulka la baxay Koonfur-galbeed ayaa waxa ay ku yaallaan deegaanka Bur-jeed ee duleedka magaalada Beydhabo oo ah xarunta gobalka Baay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.