Maamulka Ala-Sacuud ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay lagu eedeeyay inuu xukunno dil ah ku fuliyay ku dhawaad 200 oo ruux oo ay Soomaali ku jiraan.
Warbixin ay soo saartay hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee loogu yeero Amnesty International ayaa lagu shaaciyay, in maamulka Aala-Sacuud uu bilooyinkii lasoo dhaafay kordhiyay dilalka uu ugeysanayo dadka ku jira xabsiyadiisa.
Warbixinta hey’adda ayaa lagu sheegay, in lixdii bilood ee lasoo dhaafat oo kaliya uu maamulka Aala-Sucuud xukunno dil ah ku jiray 180 ruux oo ay ku jiraan dad Soomaali ah.
Waxa ay sidoo kale hey’addu warbixinteeda ku sheegtay, in sanadkii lasoo dhaafay uu maamulka Aala-Sacuud uu xukunno dil ah ku fuliyay 345, taas oo ah tiradii ugu dambeyn ee uu maaamulku fuliyay sanad gudihiis.