Wednesday, July 9, 2025
HomeAll NewsSarkaal Hore oo Sheegay in Qabsashada Moqokori ay Dhabar-jab ku Tahay Dowladda...

Sarkaal Hore oo Sheegay in Qabsashada Moqokori ay Dhabar-jab ku Tahay Dowladda Fedaraalka.

Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi oo ah Taliyihii hore ee ciidamada lugta ee Dowladda Fedaraalka ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta ku sheegay, inay dhabar jab wayn ku tahay dowladda Fadaraalka qabsada magaalada Moqokari ee Bariga Hiraan.

Waxa kale oo Jenaraal Biixi uu tilmaamay, inay magaalada Moqokari aysan ula mid ahayn dhamaan magoolooyinkii iyo deegaannadii ay horay ugula wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoo arintaasi u sababeeyay, inay magaaladaas ahayd halkii uu kasoo ambaqaaday gulufkii uu Xasan Sheekh Maxamuud kusoo qaaday wilaayaadka Islaamiga ee lagu maamula Shareecada Islaamka.

Waxa uu intaasi ku daray Biixi, inay xamladii Xasan Sheekh fashilantay kadib la wareegitaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee magaalada Moqokari.

Halkaan ka Degso Warka Biixi

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.