Wasiirka Warfaafinta maamulka la baxay Soomaaliland Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu ku fashilamay hogaaminta Dowladda Fedaraalka iyo inuu sugo amniga goobaha uu ka jiro nidaamkiisa oo ay Muqdisho ugu horreyso.
Wuxuu xusay iney Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay garaaceyso albaabkiisa, maaliba maalinta ka dambeysana ay ka qabsaneyso degmo hor leh.
Dagaalkii dhawaan Moqokori looga qabsaday Dowladda Fedaraalka ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in Xasan Sheekh iyadoo laga qabsaday magaaladaasi uu ciidamo udirayo gobolka Sanaag, arrintaasi ayuuna sheegay iney tahay wax lala yaabo.