Iyadoo muddooyinkii lasoo dhaafay ay aad uga sii kordhaysay amni darrada ka jirta Baladwene iyo dhac iyo dilalka ay geysanayaan ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan halkaasi oo ay wehliyaan malleeshiyo hubeysan, ayaa haatan waxaa aad uga sii dartay xaaladda Magaalada, taasoo ay dadka ku dhaqan halkaasi aad uga cabanayaan.
Qaar kamid ah shacabka ku nool Magaalada gaar ahaan kuwa degan xeryaha barakacayaasha, ayaa ka warbixiyay falal amnigooda lid ku ah oo ay la kulmaan, iyo dhibaatooyin kale oo ka haysta dhanka nolosha.
Waxay sheegeen iney afduub kala kulmaan dad hubeysan oo ay iyagu burcad ku sheegeen, kuwaasoo sido kale dhac ugeysta.