Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markale wajahaysa eedeyn culus oo la xiriirta kaalinteeda ku aaddan dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suudaan, iyadoo warbaahino caalami ah ay soo bandhigayaan ilo diblomaasiyadeed oo reer Galbeed ah, kuwaas oo sheegay, in Imaaraadku si toos ah u taageero kooxda hubeysan ee RSF oo dagaal adag kula jira ciidamada milatariga dawladda Suudaan.
Warbixin uu daabacay bogga Buluum-beer ayaa tilmaamaya, in Abu Dhubai ay sanadihii u dambeeyay si hoose u dhistay shabakad taagero milatari ah oo ka hawlgasha dalalka jaarka la ah Suudaan, gaar ahaan Jamhuriyadda Afrikada Dhexe iyo dalka Jaad. Sida lagu sheegay warbixinta, shabakaddan ayaa ka shaqaysa sidii loo heli lahaa marin, saanad ciidan lagu gaarsiiyo maleeshiyaadka RSF ee hogaamiyo Maxamed Xamdaan Dagalo.
Arrintan ayaa imaneysa xilli ay dowladda Suudaan si cad u sheegtay, in Imaaraadku yahay maskaxda ka dambeysa colaadda sii xumaaneysa ee dalkaasi, taas oo keentay in bishii May ee sanadkan 2025-ka ay Khartuum si rasmi ah u jarto xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta. Mas’uuliyiinta Suudaan ayaana ku eedeeyay Abu Dhabi inay qeyb weyn ku leedahay qalalaasaha siyaasadeed iyo midka amni ee haatan ka socda dalka.
Imaaraadka ayaa marar badan iska fogeeyay eedeymahaasi, isagoo sheegay in dadaalladiisa Afrika ay yihiin kuwo dhanka horumarka iyo maalgashiga ku qotoma, balse dowladda Suudaan ayaa sheegtay, in cadeymo muuqda ay hayaan oo muujinaya in Imaaraadka uu hub, sahay ciidan iyo taageero istiraatiiji ah siiyo kooxda RSF, taas oo si toos ah liddi ugu ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka Suudaan.
Sidoo kale, dawladda Suudaan ayaa Imaaraadka carabta ku eedaysay ku lug lahaanshiyaha xasuuqii lagu laayay qowmiyadda Masalit ee ka dhacay gobolka Daarfur. Maamulka uu hogaamiyo Maxamed Bin Saa’id ee Imaaraadka ayaana kaalin wayn kaga jira duulaanka qaawan ee ay dawladaha reer galbeedku kusoo qaadeen wadamada Islaamka. Sidaas si lamida waxay Dawladda Imaaraadku garab istaag muuqda iyo mid dadbanba la garab taagan tahay Kayaanka Sahaayinada ee Xasuuqa daran kawada dalka Falastiin gaar ahaan xayndaabka go’adoonsan ee Qazza.