Thursday, July 10, 2025
HomeAll NewsKhasaare Nafeed oo ka Dhashay Dab Ka Kacay Xarun Isgaarsiineed oo ku...

Khasaare Nafeed oo ka Dhashay Dab Ka Kacay Xarun Isgaarsiineed oo ku taalla Masar.

Dab xooggan ayaa ka kacay xarun isgaarsiineed oo lagu magacaabo Ramses, taas oo ku taalla bartamaha magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, iyadoo mas’uuliyiinta dalkaas ay xaqiijiyeen geerida illaa 4 qof iyo dhaawaca 27 kale.

Dabkaas ayaa sidoo kale sababay hakad ballaaran oo ku yimid adeegyadii isgaarsiinta dalka Masar, sida telefoonada, internet-ka iyo weliba habraacyadii suuqyada ganacsiga ee dalka, taas oo hoos u dhac dhaqaale ku keentay saamiyada ganacsiga ee dalka Masar.

Mas’uuliyiinta shirkadda isgaarsiinta ayaa sheegay, in dabka uu si daran u saameeyay qeybo ka mid ah xarunta, inkasta oo ay sheegeen in adeegyada isgaarsiinta dib loo soo celin doono, saacadaha soo socda.

Musiibooyinka kuwan lamaidka ah, ayaa saamayn balaaran ku yeeshay bulshada ku dhaqan dalka Masar, taas oo banaanka keenaysa habacsanaanta maamulka Cabdifataax Al-siisi ee ku aadan hor marinta kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Masar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.