Taliska Millatariga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa faahfaahin ka bixiyay, camaliyaddii nafhurnimada aheyd ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, laguna beegsaday saraakiil reer-galbeed ah.
Shir Jiraa’id oo uu qabtay Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa uu faahfaahin kaga bixiyay, camaliyadda maanta lala beegsaday saraakiisha reer-galbeedka ah oo si gaar ah kaga dhacday xerada Kuliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Sheekha ayaa sheegay, in saraakiisha cadaanka ah ee la beegsaday ay tiradoodu aheyd 6 sarkaal, kuwaas oo 2 kamid ah ku nafwaayay camaliyadda, halka afartii kalana ay soo gaareen dhaawacyo garaan ah.