Dhalinyarada oo gaaraya 12 ruux, islamarkaana horay uga tahriibay wadanka, ayaa saacadihii lasoo dhaafay kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kadib sanado ay ku sugnaayeen dalka Liibiya.
Waxay ka sheekeeyeen dhiibaatooyin kala duwan oo ay ku qabsaday xabsiyadii lagu xiray ee ku yaalla gudaha Liibiya.
Mid kamid ah dhalinyarada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney jiraan dadka qaar oo uu jirkoodu go’go’ay, sababo la xiriira tacadiyaadka ay la kulmayaan.