Diiradda Jimcaha oo ah baraamij todobaadle ah ayaa waxaa ku baxa xubin aan ugu magac darnay ”Su’aasha Furan”, taasoo todobaad waliba dhegeystaasha lagu waydiiyo su’aal muhiim ah iyagauna ay ka bixiyaan jawaabo ka tarjumaya aragtidooda.
Dhageystayaasha ayaa waxa ay todobaadkaan su’aalo ku saabsan dhaqashada xoolaha iyo horumarinta beeraha weydiiyeen, Aqoonyahan Cabdow Bashiir oo maanta marki ku ahaa barnaamijka Diiradda Jimcaha.