Saturday, July 12, 2025
HomeAll NewsQarax ka Dhacay Afgooye oo Lagu Dilay Saraakiil la Shaqeyneysay Mareykanka.

Qarax ka Dhacay Afgooye oo Lagu Dilay Saraakiil la Shaqeyneysay Mareykanka.

Wararka ka imaanaya gobalka Sh-hoose ayaa ku waramaya, in maanta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen, saraakiil gacan saar dhow lahaa ciidamada Mareykanka ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday xero uu ku sugnaa Gaashaanlle dhexe Maxamuud Saleebaan oo ahaa abaanduulaha Ururka 54-aad ee guutada 7-aad ee ciidamada Dowladda Fedaraalka.

Guutada uu hogaankeeda kamid ahaa Maxamuud, ayaa waxa ay ka howlgashaa inta u dhaxeysa degmada Afgooye ee xerada Balli-doogle oo saldhigga ugu weyn ee uu Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya.

Qaraxa ayaa sababay in isla goobta uu ku geeriyooto taliyaha, waxaana sidoo kale la dhintay taliyihii saadka ururka 54-aad ee guutada 7-aad oo magaciisa lagu soo koobay Xasan.

Waxaa intaa dheer oo qaraxa ku nafwaayay 3 askari oo katirsan ilaalada Gaashaanlle dhexe Maxamuud Saleebaan, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Sarkaalkaan lagu dilay qaraxa ka dhacay gudaha degmada Afgooye ayaa waxa uu wada shaqeyn dhow lalahaa ciidamada Mareykanka ee ku sugan xerada Balli-doogle, isagoona uqori jiray xubnaha basaasiinta looga dhigayo Mareykanka.

Waxaa intaa dheer oo uu Gaashaanlle dhexe Maxamuud Saleebaan dhibaato ba’an ku hayay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanno katirsan gobalka Sh-hoose, kuwaas oo marar badan marti galiyay weeraro uu hormuud ka ahaa sarkaalkaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.