Dowladda Imaaraatka Carabta oo ka Walaacsan Saameynta Turkiga ee geeska Afrika ayaa wada qorshe halis ku ah mandiqadda si gaar ah Soomaaliya.
Xukuumadda Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay si ulakac ah uga shaqaynayso ajandayaal halis ku ah mandiqadda geeska Afrika, kaddib markii ay Itoobiya u bandhigtay saldhig ciidan oo ay horay uga dhisatay magaalada dekedda ah ee Berbera.
Ilo-wareedyo hoose oo u dhuun daloola arrimaha diblomaasiyada ayaa sheegay, in tallaabadan uu Imaaraadku qaadayo ay qayb ka tahay xeelado lagu wiiqayo saamaynta sii kordheysa ee uu Turkigu ku leeyahay Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya.
Heshiiska ay Dowladda Fedaraalka iyo Turkigu kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024-kii ee lagu shegay inuu diirada saari doono dhanka difaaca iyo horumarka dhaqaalaha, ayaa si gaar ah u saameeyay danaha Imaaraadka Carabta ee gobolka.
Saldhigga Berbera oo Imaaraadku horay u dhisay, ayaa noqday furaha is-beddelka istaraatijiyadeed ee Itoobiya, taas oo muddo dheer raadineysay marin badeed rasmi ah.
Imaaraadka ayaa qorshahan u dhigay in heshiisku uu si toos ah u dhexmarayo Itoobiya iyo maamulka la baxay Soomaaliland, si uusan ugu muuqan inuu mas’uul ka yahay khilaafka sii holcaya ee ka taagan mandiqadda.
Isku dayo ay Turkigu wadeen oo ay la kaashadeen dawladda Qadar, si loo cadaadiyo maamulka la baxay Soomaaliland si uu uga laabto heshiiskaas ayaa dhicisoobay.
Taas beddelkeeda Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray Masar si uu u dardar-geliyo iskaashi difaac oo cusub oo uu la yeelanayo xukuumadda Qaahira, taas oo horeyba uga soo horjeedday saamaynta Itoobiya iyo xiriirka dhow ee Imaaraadka iyo Qadar.
Arrintan ayaa si buuxda u muujinaysa sida Dowladda Fedaraalka ay uga dhex muuqato dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya quwadaha ku loolamaya gobolka, oo ay horkacayaan Imaaraadka iyo Turkiga.
Kaalintii uu Turkigu ka ciyaarayay khilaafka ka taagan Badda ayaa burburtay, iyadoo hadda xaaladu ay u muuqato mid isu rogtay isbahaysi kala jiidanaya gobolka, taas oo u kala qaybsan labo garab oo ay dhinacna isku garabsanayaan Itoobiya, maamulka la baxay Soomaaliland iyo Imaaraadka, halka dhinaca kalena ay kasoo jeedaan Dowladda Fedaraalka, Turkiga iyo Masar.