Mid kamid ah qoysaska ku nool degmada Kaaraan ee magaalad Moqdisho ayaa sheegay, in gurigii ay degaanaayeen laga boobayo oo ay mid kamid ah maxkamadaha Dowladda Fedaraalku uxkuntay qof kale.
Waxay sheegeen in hoyga ay degan yihiin iyagu leeyihiin markaatina uhaystaan, maxkamadda xukunka ridday ee Dowladda Fedaraalka ayeyna sheegeen iney uxukuntay qof kale oo aan lahayn milkiyadda guriga.
Qaar kamid ah xubaha qoyska oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in waxa lagu hayo ay yihiin boob maxkamadda ayeyna si gaar ah eedeyn ugu jeediyay.