Raila Odinga oo kamid ah hogaamiyayaasha mucaaradka ee dalka Kenya ahna Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas ayaa waxa uu si adag kaga soo horjeestay, amar uu William Ruto siiyay ciidankiisa, kaas oo ahaa iney si toos ah utoogtaan dadka dibadbaxyada dhigaya.
War uu soo saaray ninkaan ayuu ku sheegay, in amar waliba oo ciidanka lasiiyo laguna farayo in ay toogtaan, dhaawacaan, cabsi geliyaan ama handadaan dadka Keenyaanka ah uu yahay mid khaldan, islamarkaana uu cambaareynayo hadalka kasoo yeeray Ruto.