Dadka ku dhaqan magaalad Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo horay uga cabanayay diwaangelin doorasho oo qasab ah oo ay Dowladda Fedaraalku sameyneyso, ayaa haatan waxaa usii kordhay tacddi hor leh oo lagula kacayo.
Xukuumadda Fedaraalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billowday iney dadka ku nool Xamar markii ay gaadiidka kala degto ugu darto garaacis.
Ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka oo ah kuwa dadka qasbaya, ayaa wata olo ay kun garaacayaan shacabka, waxayna ku dhufayanayaan qof waliba oo ka biyo diida diiwaangelinta san- dullada ah.
Mid kamid ah wadayaasha mooto labada Lugooleyda ee ka hawlgala Muqdisho oo warbaahinta la hadlay, ayaa kawarramay dhacdooyin la xiriia arrintan oo uu la kulmay, maadaama uu mootadiisa ku qaado dadweynaha.