Sunday, July 13, 2025
HomeAll NewsCiidamada Maamulka Hirshabeelle oo Qof Shacab ah ku Dhaawacay Magaalada Jowhar.

Ciidamada Maamulka Hirshabeelle oo Qof Shacab ah ku Dhaawacay Magaalada Jowhar.

Maalintii shalay waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh-dhexe ka dhacay, dhaawac ay ciidamo katirsan maamulka la baxay Hirshabeelle u geysteen qof shacab ah.

Ciidamada oo watay gaari Cabdi-Bile ah ayaa waxa ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa suuqa magaalada Jowhar ee gobalka Sh-dhexe.

Rasaasta oo ay ka ridayeen qori Dhashiike ah ayaa waxa ay sababtay dhaawaca nin lagu magacaabo Xaaji Xuseen oo kamid ahaa dadka ku nool magaalada Jowhar.

Nin la dhashay ruuxa la dhaawacay oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay, in dhaawaca walaalkiis loo qaaday Muqdisho.

Halkaan ka Degso Warka Jowhar

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.