Monday, July 14, 2025
HomeAll NewsDibadbax Looga soo Horjeedo Dowladda Fedaraalka oo ka dhacay Degmada Afgooye.

Dibadbax Looga soo Horjeedo Dowladda Fedaraalka oo ka dhacay Degmada Afgooye.

Maalintii shalay darawallada ka xeeya Mooto Bajaajta iyo tan laba lugaaleyda ayaa waxa ay isku soo bax ka dhigeen, wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka Lambar 50 ee gobalka Sh-hoose.

Wadayaasha Mootooyinka ayaa waxaa dibadbaxa ay dhigeen ay kaga soo horjeedeen, tacaddiyaad joogta ah oo ay ciidamada Dowladda Fedaraalka ku hayaan darawallada.

Si gaar ah deegaanka Cabdow Dibile ee Sh-hoose ayay ciidamada Dowladda Fedaraalka tacadiyaadka ugu badan ugu geystaan darawallada, kuwaas oo jirdil iyo dhac ku haya dadka shacabka ah.

Halkaan ka Degso Warka Afgooye

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.