Kooxda TPLF ayaa maamulka ay Xabashidu u magacaawday gobalkaasi ku eedeysay in ciidankooda ay u adeegsanayaan burburinta Jabhaddaas.
Kooxda TPLF gaar ahaan garabka Debretsion Gebremichael ayaa waxa uu maamulka ay Dowladda Xabashida Itoobiya sida kumeel gaarka ah udhistay gobalkaasi ku eedeysay, iney wadaan qorshayaal ay uga horkeenayaan dhalinyaradii dhawaan hubka laga dhigay ee kooxdaas.
War kasoo baxay garabka TPLF Debretsion ayay ku sheegeen in hannaan qaldan loo maray ciidankii hub ka dhigista lagu sameeyay kooxdaas, islamarkaana ay baal marsan tahay heshiiskii Peratoria.
Waxay kaloo sheegeen in dhalinyarada ay iska soo xareeyeen hubkana ka dhigeen, iyagoo aan u heyn wax nolol ah, taas oo ay sheegeen iney cawaaqib xumo ka dhalan karta.
Waxay intaas ku dareen in garabka TPLF ee Getachew Reda ay wadaan qorshayaal ay dhalinyaradaas uga horkeenayaan garabka kale ee Debretsion, ayna gobalka ka abuurayaan xiisado iyo colaado sokeeye.