Monday, July 14, 2025
HomeAll NewsShil Diyaaradeed oo ka Dhacay Mid Kamida Garoomada Diyaaradaha ee Magaalada London.

Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Mid Kamida Garoomada Diyaaradaha ee Magaalada London.

Mid kamid ah garoomada diyaaradaha ee magaalada Landhan ee caasimada boqortooyada Ingiriiska ayaa la xiray, iyada oo dhamaan la hakiyay duulimaadyadii kasoo dagi jiray iyo kuwii ka duuli jiray, kaddib markii diyaarad yar oo garoonka ka kacaysay ay si lama filaan ah ugu burburtay gudaha garoonka.

Mas’uuliyiinta garoonka ayaa shaaciyay, in duulimaadyadii garoonkaas la hakiyay illaa amar dambe, iyada oo ciidamada booliska, kuwa gurmadka degdega ah iyo khubaro kale ay baaritaan ku bilaabeen qaabka ay diyaaradu u burburtay iyo waxa sababay dhacdadan.

Wararka laga helayo booliska Eksees oo ah halka diyaaradu ku burburtay ayaa sheegaya, in shilkan uu dhacay abaare afartii galabnimo, waxaana la sheegay in diyaarada burburtay ay ahayd nooc yar oo cabirkeedu gaarayay illaa 12 mitir oo dherer ah.

Ilaa hadda lama oga tirada rakaabka saarnaa diyaarada, balse sawirro ay faafiyeen warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas ayaa muujinaya uura madow oo is qabsatay garoonka, taas oo la rumeysan yahay inay ka dhalatay qarax ka dhashay, kaddib burburka soo wajahay diyaarada.

Laamaha caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay, inay goobta u direen afar ambalaas iyo gaadiid kale oo gurmad ah. Sidoo kale, bogga rasmiga ah ee garoonka ayaa muujinaya, in Shan duulimaad oo caalami ah la baajiyay kadib shilka. Diyaaraddan burburtay ayaa la sheegay inay ku socotay dalka Holland balse ay soo dhacday daqiiqado kaddib markii ay ka kacday garoonka.

Shilalka diyaaradaha ayaa mudooyinkan dambe kusoo noqnoday wadamada reer galbeedka, iyada oo tobanaan shil lagasoo diwaan galiyay bilihii ugu dambeeyay, kuwaas oo aan intooda badan illaa iyo hada la xaqiijin sababaha rasmiga ah eeka dambeeya shilalkan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.