Tuesday, July 15, 2025
HomeAll NewsDowladda Jarmalka oo Dalkeeda Kasoo Tarxiishay ku Dhawaad 10 Ruux oo Soomaali...

Dowladda Jarmalka oo Dalkeeda Kasoo Tarxiishay ku Dhawaad 10 Ruux oo Soomaali ah.

Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay wadamada reer-galbeedka qaadayeen tallaabooyin ay kusoo musaafurinayaan dadka aan udhalan dalalkaas, ayaa waxa ay dowladda Jarmalka dadkeeda kasoo musaafurisay dad Soomaali ah.

Dadkaan oo gaaraya 8 ruux islamarkaana ku noolaa goballo kamid ah dalka Jarmalka ayaa waxaa shalay laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Jarmalka ayaa dadkaan ay soo tarxiishay ujeeisay eedeymo kala duwan, kuwaas oo qeyb ka ah eedeymaha inta badan ee ay dowladaha reer-galbeedka u jeediyaan dadka ay soo musaafuriyaan.

Tallaabada ay qaaday dowladda Jarmalka ayaa waxa ay cabsi ku abuurtay dadka Soomaalida ah si ee qaabka soo galootinimada ah ku jooga dalka Jarmalka.

Dhawaan ayay aheyd markii ay Dowladda Ingariiska dalkeeda kasoo musaafurisay wiil Soomaali ah, kaas oo muddo sanado ah dalkeeda ku xirnaa laguna eedeeyay inuu dil u geystay ruux kale.

Halkaan ka Degso Warka Dadka Lasoo Tarxiilay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.