Tuesday, July 15, 2025
HomeAll NewsSiyaasi Sheegay in Mareykanka iyo Ingariiska ay Hakiyeen Cilaaqaadkii Dowladda Fedaraalka.

Siyaasi Sheegay in Mareykanka iyo Ingariiska ay Hakiyeen Cilaaqaadkii Dowladda Fedaraalka.

Yaxye Caamir, oo ah siyaasi ku nool magaalada Muqdiso islamarkaana taageersan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in  Mareykanka iyo Ingariiska ay hakiyeen cilaaqaadkii kala dhaxeeyay Dowladda Fedaraalka.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay arrimaha sababay dhaqaale yarida baahsan ee soo wajahday duullaanka ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dowladihii bixin jiray lacagta la siiyo ciidankaas ay iska diideen bixinta qarashkii ay ku maalgalin jireen duullaanka Shisheeye.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in Dowladda Fedaraalka aysan waxba faraha ugu jirin, islamarkaana aysan maamulkeeda gaarsiin karin guud ahaan dalka, waxa uuna sidoo kale xusay in aysan heysan ciidan nidaam leh dadkana ay askarteedu ka aaminsan yihiin kuwa mooryaan ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa marba marka ka dambeysa isa soo taraya walaaca iyo qeylo-dhaanta laga muujinayo dhaqaala la’aanta uu wajahayo duullaanka ciidamada Shisheeye ee loogu yeero AUSSOM, kaas oo iminka qarka usaaran inuu maalgalin la’aan darteed uburburo.

Halkaan ka Degso Warka Yaxye Caamir

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.