Wararka naga soo gaaraya gobolka Kurdistan ee Waqooyiga Ciraaq ayaa sheegaya, in diyaarado aan duuliye lahayn oo miino lagu rakibay ay weerar ku qaadeen Garoonka Caalamiga ah ee magaalada Erbiil iyo sidoo kale xarun shidaal oo muhiim ah, iyadoo ay jiraan cabsi sii kordheysa oo ku saabsan xasilooni darrida gobolka.
Hay’ad dawladeed oo ka shaqaysa gobalka Kurdistan ayaa shaaca ka qaaday, in diyaarad daroon ah oo qaraxyo siday lagu weeraray qaybo ka tirsan garoonka Erbiil. Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay hay’adda ayaa lagu xusay, in weerarkaasi uusan geysan khasaare nafeed in kasta oo uu hakad galiyay isku socodka shaqooyinkii garoonka.
Isla shalay Isniitii waxaa sidoo kale labo diyaaradood oo daroonis ah lagu beegsaday xarunta shidaalka ee Khurmala oo ku taalla isla gobolka Erbiil. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay ahaayeen kuwo xambaarsan walxa qarxa oo aad u culus.
Taliska ciidamada wadajirka ah ee dowladda dhexe ee Ciraaq ayaa dhankooda sheegay, in diyaaradahaasi aysan jirin cid wali mas’uuliyadooda sheegatay, isla markaana ay sababeen kaliya burbur hantiyadeed. Waxay sheegeen in baaritaan lagu wado si loo ogaado cidda ka dambeysa weerarradan.
Hawgaladan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmo un ka hor uu dhacay weerar kale oo la mid ah kaas oo lagu beegsaday meel u dhow isla garoonka Erbiil. Sidoo kale, maalmo kahor waxaa diyaarad daroon ah oo lagasoo buuxiyay maadooyin qarxa lagu weeraray saldhiga ciidamada Mareykanka iyo kuwa Isbahaysiga reer galbeedka ee ay ku leeyihiin gudaha garoonka Erbiil.
Weerarradan isdaba-joogga ah ee lagu beegsanayo xarumaha dawladda Ciraaq iyo kuwa ciidamada shisheeye ayaa mar kale xaalad kacsanaan ah galinaya dalkaas, weerarrada darooniska ah ee aan cidi sheegan ayaana lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan xoogag hubeysan oo xiriir la leh dhinacyada isku haya loolanka ka socda gobalka.