Ciidamada dawladda Liibiya ayaa sheegay, in tiro badan oo tahriibayaal ah ay kasoo badbaadiyeen kooxo burcad ah oo ka hawgalla qaybo kamid ah dalkaas, waxaana dadka soo badbaaday ku jiray haween badan oo jirdil xooggan loo gaystay. Qoraal rasmi ah oo shalay Isniintii kasoo baxay xafiiska dacwad-oogaha guud ee dalkaas ayaa lagu sheegay, in dadkan loo haystay ujeeddo ah, in lagu helo lacag madax furasho ah.
Burcadan ayaana ah kuwa ay Soomaalidu u taqaano Magafayaasha ee ka ganacsada tahriibinta dadka u socda wadamada qaaradda Yurub, kuwaas oo qaybo kamid ah ay si qarsoodi ah uga hawgalaan magaalooyin waawayn ee dalalka Afrika.
Inta la xaqiijiyay tirada dadka lagasoo bad-baadiyay magafayaasha ayaa kor u dhaafaysa 100 qof, dawladda ayaana sheegtay, in kooxdan dambiilayaasha ah ay si qorshaysan u fulinayeen falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan tahriibinta dadka, xabsiyo sharci-darro ah iyo ka ganacsiga bini’aadmka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegay, in gacanta lagu dhigay qaar kamid ah xubnihii ka dambeeyay falalkan afduubka ah, muuqaallo argagax leh oo laga duubay dadka tahriibayaasha ah ayaana laga helay taleefannada qaar kamid ah magafayaasha la qabtay, taas oo muujinaysa ku lug lahaashiyahooda.
Dadka tahriibayaasha ah ayaa lagu hayay magaalada Ajdabiya oo u dhow magaalada Benghaazi. Afar ka mid ah dadka la xiray ayaa watay dhalashada dalkaas. Liibiya ayaana tan iyo markii uu dhacay kacdoonkii 2011-kii ee lagu riday Mucammar Al-Qaddaafi, noqday meel dhexe oo ay maraan tahriibayaasha Afrikaanka ah ee u sii jeeda qaaradda Yurub.