Dad beeralay ah oo ku nool gobolka Al-Qadaarif ee dalka Suudaan oo xuduud la leh dalka Itoobiya, ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqay, in malayshiyaad Itoobiyaan ah ay kasoo tallaabeen xuduudka labada dal, isla markaana ay weerareen tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla dhinica Suudaan, halkaas oo ay ka dhaceen xoolo iyo hanti dad rayid ah.
Mid ka mid ah dadka ku nool tuula lagu magacaabo Wada-Kuulii oo 11 Kiiloo-mitir u jirta xuduudka Itoobiya, isla markaana beeralay ah ayaa mar uu warbaahinta la hadlayay waxa uu yiri, “Shalay annagoo beerahanaga tacbanayna ayay malleeshiyo Itoobiyaan ah isweer ka qabteen tuulada, iyagoo rasaas nugu furay, kadib qori caaradiisa ku dhacay lo’ iyo cagafyo aan beeraha ku falanayni”.
Ruux kale oo degan tuulada Wada-Caruud ee xuduudka ku taalla ayaa isna warbaahinta u sheegay, inay rasaas xooggan ka maqleen tuulada iyagoo beerahooda jooga, kadibna ay tuulada si deg deg ah ugu soo laabteen iyagoo u baqaya qoysaskooda, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “balse markii aan soo gaarnay tuulada waxaan ogaannay in Shuftadu ay xoolo iyo ari ka dhaceen tuulada oo ay galeen Itoobiya”.
Guddiga koox iska caabin ah oo ku sugan deegaanka ayaa tibaaxay, in malleeshiyaadkaas Itoobiyaanka ah ay weerareen dhowr tuulo oo ka tirsan gobolka Al-Qadaarif ee waddanka Suudaan. Marka laga soo tago, inay dhaceen xoolihii dadka deegaannadaas ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarradan lagu qaaday tuulooyinkaas.
Maleeshiyaadkan oo ay dadka deegaanka ugu yeeraan magaca Shuftada ayaa ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada ee Itoobiya. Waxa ayna qabsadeen boqollaal hektar oo ka tirsan deegaanka Fashaqa oo ku yaalla gobolka Al-Qadaarif ee dalka Suudaan, igoona halkaasi ka geysto weeraro iyo afduubyo ka dhan ah beeralayda Suudaan ee ku nool gobalkaas.