Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay, fal burcadnimo ah oo ay wiil dhalinyaro ah kula kaceen koox tuugo ah oo hubeysan.
Kooxdan ayaa wiilka doonayay iney ka dhacaan taleefoon uu watay, waxaana soo kala dhexgalay murun taaosoo sababtay iney dhaawacaan.
Wiilka dhaawaca loo geystay ayaa lagu magacaabaa Saalim, waxaana magaaladaasi kusii badanaya falalka la xiriira amnidarrada oo ay hormuudka ka yihiin ciidanka Dowladda Fedaraalka iyo kooxo hubeysan, kuwaasoo dhac iyo dilba ugeysta dadka rayad ah.
Halkaan ka Degso Warka Baladweyne