Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka la baxay Puntland ayaa soo saartay bayaan ay ku shaacineyso iney aqoonsaneyn maamulka uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Firdhiye ee la baxay SSC-Khatumo, kaasoo ay haatan Dowladda Fedaraalku dooneyso iney halkaasi ka dhisto.
Waxaa lagu sheegay warqadda kasoo baxday wasaaradda in maamulka la baxay Puntland kan isku magacaabay SSC-Khaatumo u arko mid iyaga katirsan.