Gadoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban maamulka la baxay Jubbaland Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa sheegay iney hawada Gedo ka celiyeen diyaarado ciidan iyo hub wada oo ay gobolkaas usoo dirtay Dowladda Fedaraalka.
Wuxuu kaloo intaasi ku daray iney la socdaan dhaqdhaqaayada ciidan ee iyaga ka dhanka ah oo ay ku hawlan tahay Dowladda Fedaraalka laguna qorsheynayo weerar lagu qaado maamulkooda sida uu hadalkiisa udhigay.