Waaxda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay, digniino amni oo heerkood sarreeyo kuwaasoo ay ku wajahan muwaadiniinteeda, waxayna uga digtay iney usafraan wadamo ay ku jirto Soomaaliya.
Dalalka looga dilay iney tagaan muwaadiniinta Ameerikaanka ah waxaa kamid ah Liibiya Maali iyo Soomaaliya, waxayna usheegtay iney ka jiraan khataro amni, islamarkaana ufududeyn ugurmashadooda, haddii ay dhibaato la kulmaan.
Sababaha aysan ku caawikarin dadkan ayey ku sheegtay ineysan usahlaney tigidda wadamadan, iyagoo tilmaamay ineysan wanaagsaneyn wadashaqeynta kala dhaxeysa xukuumadaha ka jira dalalkan.
Ma ahan markii ugu horreysay oo uu Mareykanku uga digo muwaadiniintiisa usafridda wadamo ay ku jirto Soomaaliya, waxaana marmarba marka ka dambeysa aad usii kordheysa baqdinta ay dareemayaan.