Sakariye Maxamuud Xaaji oo ah xildhibaan hore uga tirsanaa baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in xumaanta ay falkineyso Dowladda Fedaraalka ay gaartay meel waliba oo kamid ah dalka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay, in Xasan Sheekh uu wax waliba kharribay, islamarkaana aysan jirin meel u fayow bulshada, hal ku dhigii uu doorashada kusoo galayna uu sarbeeb kala jeeday, maantana uu xilka ka dagayo isagoo colaad ka abuuray dalka oo dhan.