Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa markab siday gaadiid gaashaaman iyo hub culus usiday, kaas oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada maamulka la baxay Puntland.
Markabkaan ayaa waxa uu shixnadaha hubka ah kasoo daabulay dalka Turkiga oo xukuumadda dalkaasi ay kamid tahay dowladaha duullaanka ku joogo Soomaaliya, waxaana ay xoguhu tibaaxayaan inuu kusii jeeday magaalada Muqdisho islamarkaana uu ku socday Dowladda Fedaraalka.
Muuqaallo iyo sawirro laga baahiyay markabka ay gacanta ku dhigeen ciidamada maamulka la baxay Puntland, si gaar ah kuwa uu maamulkaas utababaray Imaaraatka Carabta ee loo yaqaanno PMPF ayaa waxa ay muujinayaan, in markabku uu siday gaadiid gaashaaman sida Taawyada, rasaas, qoryo culus iyo saanado kale oo kuwa ciidanka ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada maamulka la baxay Puntland ay maanta aroortii hore markabka geeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Shaqaalaha markabka ayaa lagu amray iney u hogaansamaan awaamiirta kaga imaaneysa hogaanka ciidamada PMPF, sida laga soo xigtay saraakiil katirsan ciidankaas.
Xogaha qaar ayaa tilmaamaya, in shixnadaan ay ka timid dalka Aderbijaan, islamarkaana uu soo qaaday markabka laga leeyahay Turkiga, walow gaadiidka qaar ay yihiin kuwa uu Turkigu leeyahay.
Dowladda Fedaraalka iyo xukuumadda Ankaara ayaanan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin, markabkaan la sheegay inuu ka yimid dalka Turkiga islamarkaana uu hubka iyo saanadda ciidan u siday dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo sanadkii lasoo dhaafay maleeshiyo-beeleedyo hubeysan ay gacanta ku dhigeen, gaadiid xamuul ah oo siday saanad ciidan oo badan oo marayay duleedka degmada Balanballe ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ka yimid dalka Itoobiya. iyadoo xilligaasi la sheehay in hubka uu ku wajahnaa Dowladda Fedaraalka.