Ciidamada booliiska ee xukumada Shiicada ah ee Iiraan ayaa sheegay, inay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 100 qof oo lagu tuhunsan yahay inay la shaqaynayeen sirdoonka Yahuudda, sida uu shaaciyay mid kamida mas’uuliyiinta dalkaas. Jawaasiistan ayaa lagusoo oogay dambiyo ah in ay xogo sirdoon u gudbiyeen hay’adda muusaad ee sirdoonka Yahuudda, kuwaas oo basaasay xarumo dawladeed iyo shakhsiyaad ka tirsan xukumada Tehraan.
Mas’uul ka tirsan dawladda Iiraan ayaa sheegay, in eedeymaha lagu soo oogay dadkan ay kamid yihiin falal lagu marin habaabinayo aragtida dadweynaha, burburin goobo dawladeed iyo kaydinta walxaha qarxa ee ay Yahuuddu u adeegsanaysay weerarada Iqtiyaalaadka ah ee ay ku beegsanaysay hogaamiyayaasha ugu sareeya ciidamada dalkaas.
Wuxuu intaas ku daray mas’uulkan, in intii lagu guda jiray dagaalkii u dhexeeyay Iiraan iyo Yahuudda ay si weyn u kordheen kalsoonida shacabka iyo taageerada ay siinayaan booliiska, taas oo sababtay in muddo 15 maalmood gudahood ah la helo in ka badan 16 kun oo xogo sirdoon ah oo ay soo dusiyeen dad shacab ah.
Warbaahinta rasmiga ah ee Iiraan ayaa sidoo kale xustay in maalmihii la soo dhaafay la xiray xubno lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ururka sirdoonka Yahuudda ee Muusaad, kuwaas oo laga qabtay gobollo kala duwan oo dalkaas ka tirsan. Magaalada Bahaaristaan ayaa sidoo kale lagu qabtay koox loo haysto inay qorshaynayeen weerarro ka dhaca gudaha dalkaas, sida lagu sheegay war kasoo baxay xukumada Iiraan.
Arrintan ayaa muujinaysa sida ay uga sii kordhayso xiisadda u dhexeysa xukumada Shiicada ah ee Iiraan iyo maamulka Yahuudda, iyada oo ay Tehraan sheegtay, in ay la tacaalayso dagaal diblumasiyadeed oo ay dabada ka riixayaan dawladaha reer galbeedka, kuwaas oo ay ku doodayaan in ay meesha uga saaraan xukumada haatan ka Talisa Iiraan.