Sunday, July 20, 2025
HomeUncategorizedFadeexad ka Taagan Xog Dusinta Macluumaatka 100,000 oo Ruux oo Ingiriiska kala...

Fadeexad ka Taagan Xog Dusinta Macluumaatka 100,000 oo Ruux oo Ingiriiska kala Shaqeynayay Duullaankiisii Afghanistan.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa Arbacadii ina dhaaftay, si weyn u hadal haysay fadeexad amni oo la tilmaamay inay ka mid ahayd kuwa ugu halista badan ee soo mara taariikhda casriga ah ee dowladda Ingiriiska, kaddib markii la ogaaday in xog muhiim ah oo la xiriirta dad Afghaaniyiin ah si sir ah loo bixiyay, taas oo khatar gelineysa nolosha ku dhowaad 100 Kun oo qof, arrintaasna waxay sababtay in dowladda Ingiriiska ay bilowdo howlgal qarsoodi ah oo ballaaran oo lagu daadgureynayo dadkaasi.

Wargeyska The Taymis ayaa ku warramay in mas’uul ka tirsan wasaaradda difaaca Ingiriiska uu si khalad ah u faafiyay liiska faylalka dadkii codsaday barnaamijka dib-u-dejinta ee loogu talagalay dadkii horey ula soo shaqeeyay ciidamada Ingiriiska, dalabkan ayaana ku beegnaa sannadkii 2022-ka xilli ay talada dalka Afghanistan ka hirgashay imaaro Islaami ah oo ay gundhig u yihiin xarakada Daalibaan.

Liiskaasi uu faafiyay mas’uulka difaaca ayaa xambaarsanaa xogo gaar ah oo ku saabsan 33 kun oo qof, kuwaas oo intooda badan horey ula shaqeeyay ciidamada Ingiriiska xiligii ay ku sugnaayeen gudaha Afghanistan, halka kuwa kalena ay ahaayeen dad codsaday barnaamijyada magangalyo doonka. Wasaaradda Difaaca Ingiriiska ayaa ku qiyaastay tirada dadka khatarta ugu jira xogta fakatay, inay gaarayaan ilaa 100 kun oo qof, oo ay ku jiraan codsadayaasha iyo qoysaskooda, sida lagu sheegay warbixinta.

Wasiirkii hore ee difaaca Been Wallase ayaa ka codsaday Maxkamadda Sare, inay soo saarto amar guud oo caalami ah oo mamnuucaya faafinta xogtan, maalmo ka hor intuusan xilka ka degin. Amarkan maxkamadeed ayaa xayiray warbaahinta inay ka hadasho arrinta, xitaa xusitaanka jiritaanka amarka laftiisa, iyada oo laga dhigay faafintiisa dambi ka dhan ah dawladda Ingiriiska. Wargeyska TheTaymis ayaa xaqiijiyay in amarkan uu noqday kii ugu dheeraa ee noociisa ah ee abid la arko taariikhda Ingiriiska.

Sida uu weriyay wargeysku, dowladda Ingiriiska ayaan dhankeeda waxba ka ogayn bixinta xogtan illaa bishii Agoosto 2023-kii, markaas oo ay si degdeg ah u bilaabeen hawlgal sir ah, si loo xakameeyo saameynta xogtaas baxday, lana raad raaco cidda heshay xogtaas, iyada oo warbaahinta laga ilaalinayo in ay ku faafto.

Wargeyska The Gaadhiyaan ayaa sheegay, in qofkii ugu horreeyay ee ogaada xogta la dusiyay ay ahayd haweeney u dhalatay Afghanistan, kana mid ahayd dadka u dooda xuquuqda Afghaanida lasoo shaqeeyay Ciidamada Ingiriiska, isla markaana ahayd Jaajuusad la shaqaysa sirdoonka M.I.6. Haweeneydaas ayaa la soo gaarsiiyay farriin ka timid qof aan la aqoon oo isticmalayay barta Facebook ah, kaas oo sheegay inuu hayo xog sir ah, islamarkaana ku hanjabay inuu si buuxda u faafin doono. Markii ay arrintaas maqashay, ayay si degdeg ah ula xiriirtay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ingiriiska.

Halkaan ka Degso Warbixinta Ingariiska

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.