Maamulka la baxay Puntland ayaa sheegay iney ka hortagi doonaan, shirar uu sheegay in Dowladda Fedaraalka ay ka qaban rabto dhulka uu ka arrimiyo maamulkaas.
Gudoomiyaha gobalka Mudug ugu magacaaban maamulka la baxay Puntland Feysal Sheekh Cali, ayaa waxa uu sheegay iney la socdaan tallaabooyin uu ku sifeeyay kuwa gurracan oo ay Dowladda Fedaraalka ka wado deegaannada ay ka arrimiyaan, isagoo hanjabaad culus u diray cid waliba oo ku lug yeelata qabashada shirar ay hormuud ka tahay Dowladda Fedaraalka.