Maxamed Cabdirisaaq oo ah Gudoomiyaha degmada Gaalkacayo ugu magacaaban maamulka la baxay Puntland qeybta ay magaalada ka maamulaan, ayaa wajahaya eedeymo ay kamid yihiin musuqmaasuq iyo inuu bulshada iska horkeenay.
Ninkan ayaa waxaa kolkii hore soo doortay golo deegaan kuwaasoo haatan la sheegay iney hawlan yihiin mooshin xilka looga qaadayo.